Video+Sawiro:Cumar Filish oo qaabilay Wasiirka Iskaashiga dalka Sweden

cumarfilish

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar ku qaabilay Wafdi uu hogaaminaayay Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee dalka Sweden Per Olsson Fridh oo booqasho ku jooga Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya.

Kulankaan oo ay goob-joog ka ahaayeen, u qaabilsanaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sweden ee dhinaca Africa, Safiir Kuxigeenka Sweden, Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimeyaal iyo La-taliyeyaal.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ugu horeyn waxa uu ugu Mahadceliyay Dowlada Sweden Taageerida ay la garab taagan tahay Soomaaliya, Asigoona dhinaca kale ugu warbixiyay Horumarada ka socda Caasimada Soomaaliya, Arrimaha Barakacayaasha, Shaqo abuurka Dhalinyarada iyo Qorshaha Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca horumarinta iyo Adeegyada Bulshada.

Wasiirka ayaa bogaadiyay Horumarada muuqda ee ka socda Caasimada, Asigoona ku amaanay Maamulka Gobolka Banaadir Howlaha dib-u-dhis iyo midka adeegyada Bulsho ee ka socda Gobolka Banaadir. Waxaana uu Wasiirka Iskaashiga iyo Horumarinta Caalamiga ah ee Sweden Per Olsson Fridh balan qaaday in ay si dhaw ula shaqeyn doonaan Maamulka Gobolka Banaadir isla markaana ay ka taageeri doonaan dhinacyada horumarinta, dib-u-dhiska iyo Adeegyada Bulshada.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho ayaa waxa uu Wasiirka Guddoon siiyay hadiyado isugu jiro Shahaado Sharaf iyo Dharka Hidaha & Dhaqanka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.