Sawiro:Ciidamada Xoogga Dalka oo Weerar qorshayn ku laayey 10 ka tirsan Shabaab

dagaal

Degaanka Gal-labashiir, ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Ciidanka Xoogga Dalka waxay kooxda argagixisada Al-Shabaab uga dileen 15-maleeshiyaad ah oo ay ku jiraan horjoogayaal, waxaana laga dhaawacay in kabadan 20 maleeshiyaad ah.

Ciidamada ayaa Hub iyo saanadkale ka furtay sida uu Idaacadda Ciidamada Qalabaka Sida u sheegay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa yuusuf Raage.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maalmahan howlgallo lagu tirib tirayo argagixisada Al-Shabaab ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyagoo la wareegay deegaanno horleh oo ay maleeshiyada Al-Shabaab dadka ku dhibaateyn jireen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.