Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyay geerida Abwaan Sooraan

sooraan

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyay geerida  Allaha u naxariistee Abwaan Sooraan oo ku geeriyooday magaaladda Burco ee gobalka Togdheer.

“Eebbe ha u naxariisto Hal abuurkii, fannaankii iyo jilaagii weynaa ee Sooraan Ismaaciil Sugulle oo ku geeriyooday Burco, Sooraan waxa uu ka mid ahaa hal abuurrada sida weyn uga qeyb qaatay wacyigelinta bulshada Soomaaliyeed fankiisa iyo sheekooyinkiisuna ahaayeen kuwo farriin xambaarsan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  ayaa Alle ugu baryey Jannadii Firdowsa Eebbe ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.