Sawiro:Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka oo kormeeray xarumaha Caafimaadka ee Dhuusamareeb

WASIIR

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Axmed Xuseen macalin Dr. Gurrey oo shalay soo gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug, ayaa maanta kormeeray Isbitaalada Dhuusamareeb, sida Isbitaalka guud ee Gobolka iyo Isbitaalka Xanaano oo labaduba ka mid ah xarumaha ugu adeeg bixinta badan ee bukaanada qaabila.

Kormeerkan oo wasiir ku-xigeenka ay ku wehliyeen, Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, lataliyaha arrimaha bulshada ee xafiiska Madaxwaynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Faarax Seeraar, Agaaaimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku qotomey u kuurgelidda adeegyada ay bixiyaan xarumahan, baahiyaha u baahan wax ka qabashada ee ka jira qaybaha kala duwan ee isbitaalada iyo in la wadaago talooyinka la xiriira sidii loo horumarin lahaa adeega aas-aasiga ah ee caafimaadka Deegaannada Galmudug.

Maamulada isbitaaladan iyo bukaanada ayay Wasiir ku-xigeenka iyo madaxda wehlisey ka dhageysteen kaalmada looga fadhiyo Dowladda federaalka si loo helo adeeg Caafimaad oo tayaysan, kaasi oo kala gaara guud ahaan deegaannada Galmudug.

Dr. Axmed Xuseen Macalin, wasiir ku-xigeenka Caafimaadka xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kormeerkan kadib warbaahinta la hadley ayaa bogaadiyey dadaalka muuqda ee ka jira xarumahan Caafimaad, isagoo xusey in uu usii gudbayo degmooyinka kale oo ay si mideysan uga soo aruurin doonaan macluumaad la xiriira hormarinta adeega aas-aasiga ah ee caafimaadka Deegaanada Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.