Qoorqoor oo Danjiraha Midowga Yurub kala hadlay Baahiyaha ka jira Galmudug

qoorqoor

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa maanta Muqdishu kula kulmay Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Danjire Nicolas Barlenge.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye iyo Danjiraha ayaa iska xog wareystay qorshaha horumarineed ee Galmudug iyo sidii Midowga Yurub usii ballaarin lahaayeen mashaariicda ay ka wadaan Galmudug.

Madaxweynaha ayaa ka mahadceliyay teegaarada joogtada ah ee Midowga Yurub la garab taaganyihiin Soomaaliya.

Danjiraha ayaa ugu danbeyntii ballanqaaday in ay taageeri doonaan Hay’adaha Dowladda Galmudug asagoona dhinaca kale sheegay in ay ay dhawaan fulin doonaan mashaariic dib udhis loogu sameynayo Kaabayaasha dhaqaale ee Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.