Dhageyso:Wasiirka Gadiidka oo ka hadlay xayiraadii kenya kusoo rogtay Soomaaliya

Duraan

Wasiirka Gadiidka Duulista Hawada XFS Duraan faarax oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa ka hadlay qoraalka kasoo baxay Dalka Kenya oo ku aadanaa joojinta duulimaadyada Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin xiriir toos ah oo ay Kenya lasoo sameeysay.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaas ay saameyn ku yeelaneyso labada dalba asaga oo xusay in aysan jirin dhibaato gaar ah oo dalka Soomaaliya kasoo gaarayo , asagoo xusay in maalmo ka hor si qalbi furnaan ah ay dowlad Soomaaliya usoo celisay xiriirkii labada dal.

Wasiirka oo ka jawaabayey talaabada ay Dowladda Soomaaliya ka qaadi doonto arinkaas ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay arrinkaas kazoo saari doonto go’aan munaasib ku ah arinkaas , waqtiga ku haboone uu go’aankaasi soo bixi doono.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.