Wasaaradda Caafimaadka oo sheegtay in 134 qof ka bogsoodeen Karoonaha

Wasiir

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee COVID19 ku sheegtay in Feyruska Karoona ay ka bogsoodeen 134 qof oo cusub 48-dii saac ee la soo dhaafay, taasi oo tirada guud ee dadka bogsooday ka dhigeysa 6,325.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in la diiwaan geliyay 47 xaalado cusub oo COVID-19 ah, oo kala jooga Somaliland (37) Puntland (20) gobalka Banaadir (7) Hirshabeelle (5), Jubbaland (1) iyo Koonfur Galbeed (1) taas oo tirada guud ee xaaladaha dalka laga diiwaan geliyay ka dhigeysa 14,486.

Bukaannada cusub 46 ka mid ah waa rag 25-na waa dumar, 48-kii saac ee ugu dambeeyay 6 bukaan ayaa u geeriyootay COVID19, waxaana tirada guud dadka u dhintay cudurka ay gaareysaa 753 qof.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.