Sawiro:Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxda warbaahinta gaarka loo leeyahay

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabbilay qaar ka mid ah madaxda xarumaha warbaahinta gaarka loo leeyahay ayaa ugu hambalyeeyey Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay mar walba Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’antahay dhowrista xuquuqda iyo xorriyadda saxaafadda iyada oo tallaabooyin muuqda loo qaaday dhankaas, taas oo ay tusaale u tahay qiimaynta sannadlaha ah ee ay 2020-ka sameeyeen ururrada u dooda warfidiyeenka oo xaqiijiyay in dalkeennu uu sameeyey horumar dhanka xorriyadda iyo xuquuqda saxaafadda ah.

“Anigoo magacayga ku hadlaya, waxaan rabaa inaan idiinku hambalyeeyo maanta oo ah Maalinta Caalamiga ah ee Xorriyadda Saxaafadda. Annagu waxaan aamminsan nahay in saxaafaddu ay xor noqoto, Sida aad idinku qirteen waxaa hubaal ah in xilligan la idiin la macaamilo si ka wanaagsan sidii hore. Waxaan idinku boorrinayaa in aad sii labo jibbaartaan dadaalkiinna idinka oo sawir qurux badan ka gudbinaya dalka, xoojinaya midnimada, waddaniyadda iyo dal jacaylka.”

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay door muhiim ah siisay horumarinta saxaafadda, iyada oo dadaal ku bixisay ilaalinta xuquuqda Warbaahinta lana meel mariyey shuruuc iyo xeer ilaaliye u gaar ah saxaafadda si looga hortago tacaddi iyo meel-ka-dhac kasta oo ka dhan ah warbaahinta.

Dhankooda, Madaxda Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay ayaa Madaxweynaha la wadaagay in ay laga ma maarmaan tahay in Dowladdu ay xaqiijiso xorriyadda iyo madax-bannaanida warbaahinta, waxa ay sidoo kale soo gaarsiiyeen dhacdooyin iyo falal ay tabasho ka qabeen, iyaga oo codsaday in arrimahaas wax laga qabto.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xusay shaqada wanaagsan ee ay Warbaahinta Soomaaliyeed u hayso dalka iyo dadka Soomaaliyeed ayaa si weyn ugu ammaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen dowladda dhiska, wacyi gelinta bulshada, la dagaallanka afkaarta xagjirka iyo taabbo-gelinta dimuqraadiyadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.