Sawiro:Wasiirka Waxbarashada oo la kulmay madaxda Jaamacadaha

Wasiir

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji, Agaasimaga guud Wasaaradda Waxbarshadda Mudane Maxamed Caabi Xasan ayaa la kulmay Madaxda Jaamacadaha dalka, waxayna iska wareysteen sidii loo kordhin lahaa wada shaqeynta Jaamacadaha iyo Wasaaradda Waxbarshaadda Soomaaliya, taas oo dowr fiican ka qaadan doonta tayeynta Waxbarshadda Sare ee dalka.

Madaxda Jaamacadaha ayaa soo dhaweysay in ay wada shaqen wanaagsan la yeeshaan Wasaaradda Waxbarshadda, diyaarna u yahiin wax kasta oo lagu horumarin karo tayeynta Tacliinta sare ee dalka.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda ayaa kula dardaarmay bahda Jaamacadaha in ay ka shaqeeyaan sidii ay Waxbarsho taya leh u heli lahaayeen ardayda Somaaliyeed ee dalka gudahiisa wax ku barta, loona heli lahaa hab waafaqsan nidaamka Caalamiga ah ee Waxbasrhada dhowaan la sameyn doono tirakoob ku saleysan tayada Waxbarshada Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.