Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar oo kawadahadlay iskaashiga labada Dal

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan qadka taleefanka amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad al Thani ayaa kawada hadlay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen iskaashiga dhinacyada amniga,dhaqaalaha iyo marxalada kala guurka dalka gaar ahaan ariimaha doorashooyinka dalka kuwaasi oo ku saleysan dimuqraadiyad nabadeed.

Afhayeenka warfaafinta madaxtooyada dalka Cabdirishiid Maxamed Xaashi ayaa ku sheegay qoraal uu soo dhigay boga uu ku leeyahay twitter inay labada hogaamiye ay kawada hadleen iskaashiga iyo sidii doorashadalka dalka ay ugu dhici laheyn si nabadoon.

Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya usoo dirtay ergayga dhax-dhaxaadiya khilaafka ka dhashay doorashada kaasi oo hada ku sugan magaalada Muqdisho kana wada kulamo lagu xalinayo iyo sidii layskugu soo dhaweyn lahaa dhinacyada siyaasada dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.