Akhriso:Ra’iisul Wasaare Rooble oo guddi u Magacaabay qalalaasihii ka dhacay Muqdisho

Rooble

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka soo tala bixiya xalka gaarista qalalaasahii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Xafiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in iyadoo laga jawaabayo go’ankii uu Madaxweynaha uu Ra’iisul Wasaaraha ugu wareejiyay howlaha doorashada iyo Amniga guddigaan la magacaabay.

Guddiga oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa guddoonmiye u ah Wasiirka amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Magacyada Guddiga la magacabay

  1. Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale Guddoomioye
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax  Xubin
  3. Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji Xubin
  4. Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin
  5. Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin
  6. Wasiir ku Xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf (Al-Cadaalla) Xubin
  7. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid Xubin
  8. Senator Yuusuf Geelle Ugaas (Ugaas dhageey) Xubin
  9. Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer)  Xubin
  10. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur Xubin
  11. Xildhibaan Mahad Maxamed Salad Xubin

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.