Sawiro:Gaari Qarax Siday oo lagu Gubay Shabeellada Hoose

ciidan

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabeellada hoose ku gubay Gaari Qarax sida oo kooxaha argagixisada ah ay ku doonayeen in ay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka oo dhacay saaka Barqadii ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa in lagu bur buriyo dhagaraha cadawgu u maleegayo shacabka Soomaaliyeed isla markaana waxaa ciidanku cagta mariyey fariisimo ay ku dhuumaaleysanayeen maleyshiyaadka jid iyo jaho diidka ah.

Saraakiisha howlgal hogaamineysa ayaa u sheegay Warbaahinta Qaranka in howlgalka qorshihiisu ahaa in laga hortago isku dayga cadawga oo gaari Saruf ah ku soo rarary qarax isla markaana doonayay in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho si dad shacabka ah ee Sooman ay ku dhibaateeyaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.