Galmudug oo 200,000 Dolar ku wareejisay Gudiga airportka Caabudwaaq

caliciid

Madaxwayne Kuxigeenka maamul goboleedka Soomaaliyeed ee galmudug Cali Daahir Ciid ayaa waxuu ka warbixiyey Xaalada guud ee galmudug ay kusigan tahay Sida Amniga, caafimaad, Daminta colaadaha, ladagaalanka Shabaab, dib habaynta Ciidamada daraawiishta Galmudug, Dhismaha Dekada hobyo, Dhismaha wadooyinka Galmudug oo laami laga dhigaayo iyo Dhismayaasha Airporada Galmudug.

Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo dadka Su’aalo waydiinayeen mar uu marti ku ahaa SomaliClub House ayaa waxaa la waydiiyey Sababta galmudug wax uga qaban wayday Beelaha ku dirara caabudwaaq iyo dhismaha Garoonka Diyaradaha.

Madaxwayne Kuxigeenka galmudug Cali Daahir ciid ayaa sheegay inuu Ciidamo kala duwan oo wata gadiid dagaal Geeyey caabudwaaq si ay usugaan amniga magaalada, waxaa kaloo sheegay Labo bilood ka hor Maamulka ga;lmudug ku wareejiyeen gudiga garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq lacag dhan 200,000 Doolar taas oo wax looga qabanayo dhismaha garoonka Diyaaradaha caabudwaq.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.