Madaxwayne Farmaajo oo Bari hortaga Barlamaanka Soomaaliya

farmaajo

Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta beri oo Sabti ah 01da bisha May yeelanaya kullan gaar ah oo uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hortegayo Golaha.

Ujeedka kullanka ayaa ah in Madaxweynaha Dalka uu khudbad u jeedin doono golaha shacabka Baarlamaanka, toosi oo ah mid shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u sugayaan.

Madaxweynaha ayaa Iclaamiyay kullankaan habeenadii Arbacada ay soo galeysay ee todobaadkaan xilli shacabka Soomaaliyeed uu u jeediyay khudbad uu kaga hadlayay Xaaladda guud ee dalka, isla markaana uu balanqaaday in uu hortagi doono Baarlamaanka si loogu laabto wada hadaladii arrimaha Doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.