Deni oo Samafale Coldoon ku Amray inuu garoowe ka baxo

deni

Maamulka Deni ayaa ku amaray Samafale Cabdimaalik Muuse Coldoon, in uu ka baxo deegaamada Puntland, Coldoon ayaa Garoowe u yimid inuu ka qaybiyo Caawimo loogu talagalay dadka Dhibaataysan ee ku sugan Puntland.

Coldoon, oo ku sugan Garoowe ayaa Boolis loogu geeyay Hotelka uu degan yahay iyadoo lagu amray in uu ka baxo magaalada Garoowe waxaana Taliska Siciid Deni ku eedeeyey inuu hada ka hor qoraalo ka dhan Puntland baraha Bulshada ku Qoray.

Puntland intuu xukunka qabtay Siciid Cabdulaahi Deni ayaa waxaa ka jira caburin lagu haya dadka ka fikir duwan Maamulka Deni waxaana wariyaal badan iyo dad shacaba oo eedeyn usoo jeediyey Maamulka hogaamiya Puntland loo taxaabay xabsiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.