Daawo:Munaasabad lagu heshiisiinayay labo beelood oo lagu qabtay Caabudwaaq

ugaasmaxamed

Munaasabaddaan oo lagu heshiisiinayay laba Beelood ayaa xalay lagu qabtay hoyga dhaqanka ee Ugaaska Beelaha Sade, Waxaana heshiiskaan garwadeen ka ahaa Ugaas Maxamed Ugaas Axmed Ugaas Faarax iyo Guddigii dhawaan ka yimid Muqdisho oo Juhdi badan kubixiyay siddii xal looga gaari lahaa dhibkii kala gaarey Beelahaan.

Munaasabadda Heshiiskaan waxaa ka qeyb galay masuuliyiin katirsan maamulka Caabudwaaq,Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug, saraakiisha Booliiska iyo Nisa ee degmadda, Odoyaasha Guurtida,Dhallinyaro iyo Labada Beelood ee heshiiska la dhex dhigay.

Labada Beelood ayaa laga kala saxiixay Heshiiskaaan.Waxaana markii ay xafladda dhammaatay ay labada Beelood muujiyeen sida ay uga go’an tahay Heshiiskaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.