Rooble oo caawa kulan la leh madaxda Galmudug, HirShabeelle iyo midowga musharaxiinta

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh madaxweyneyaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan midowga musharaxiinta, si loo sii xoojiyo xasilloonida caasimadda ka dib qalalaasihii dhawaan dhacay.

Kulankan ayaa looga hadlayaa sidii loo sii xoojin lahaa xasilloonida magaalada caasimadda ee Muqdisho, kadib qalalaasihii dhawaan dhacay.

Sidoo kale madaxda ayaa kulankaan diiradda ku saaraya xal u helidda arrimaha doorashooyinka dalka, waxayna madaxda dowladda federaalka dadaal xoog leh ugu jiraan, sidii doorasho nabdoon ay dalka uga dhici laheyd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.