Madaxwaynaha Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu safar shaqo ku gaaray Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo Mudane Felix Tshisekedi ahna Madaxweynaha Midowga Afrika.

labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal , ayadoo madaxweyne Farmaajo ka mahadceliyey dadaalada ay Soomaaliya ka wadaan Midowga Afrika oo uu hadda Madaxweyne ka yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Koongo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.