Professor Gaandi oo Geeriyooday

gaandi

Maxamed Cabdi Maxamed ( Gaandi) oo kamid ahaa Musharaxiinta Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Paris ee Dalka Faransiiska.

Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeyey Geerida ku timid allaha unaxariistii Gaandi, Axmed Madoobe ayaa xariir dhow la lahaa Professor Gaandi.

Prof Gaandi Jagooyinkii uu dalka uu kasoo qabtay waxaa kamid ahaa wasiiru dowlaha madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubbaland, wuxuu xubin ka ahaa baarlamaanka Soomaaliya tan iyo sanadkii 2009 waxaa kaloo Noqday wasiirka gaashaandhiga iyo wasiirka cirka iyo gaadiidka ee dowladii kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.