Daawo:Garoonka Diyaradaha Muqdisho oo lagu qabtay Lacag laga keenay Kenya

boliis

Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ayaa maanta gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeyo Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in baaritaan dheeri ah xilligan ciidanku ku hayaan dhacdadan, ayna la wadaagi doonaan bulshada.

“Waxaan bogaadinayaa Ciidanka Saldhiga Booliska Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo maanta gacanta ku dhigay lacag tiro badan oo sharci darro ku soo gashay dalka, lana socotay diyaarad ka timi dalka Kenya. Baaritaan dheeri ah ayaa xilligan Ciidanku ku hayaan dhacdadan” ayuu yiri Taliyaha Booliska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.