Daawo:Barlamaanka Puntland oo Xor ahayn ayaa ka horyimid go’aankii DfS

puntland

Baarlamaanka Puntland oo u madax bananayn fadhiyadooda kana hadli waayey Dhibaatada ka jira Puntland oo ugu horayso Dekada Boosaaso oo Imaaradka Curyaamiyeen iyo dhibaatooyinka kajira Puntland sida Sicir bararka, Abaaraha, Abni xumada iyo xal u helida Cuderka Coranaha oo dad badan Puntland ugu dhigteen kuwa kalana La jiifaan ayaa sheegay inay qaadaceen muddo kordhinta golayaasha dowladda federaalka ah.

Kulanka Barlamaanka Puntland oo Saxaafadda maanta laga saaray uuna horyimaadeen madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa lagu sheegay in uu ahaa is-xogwareysi iyo wada-tashi ku saabsan xaaladda guud ee dalka iyo mowqifka Puntland ee ku aadan muddo kordhinta dowladda federaalka.

Kualnka markuu soo dhaamaday ayaa saxaafada loo yeeray, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay in 49 xildhibaan ay diideen muddo kordhinta faderaalka, 1 mudane ogolaaday, 2 ka aamuseen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.