Shirkii Dowlada iyo Maamul Goboleedyada oo Baaqday

farmaajo

Shirkii madaxda Qaranka iyo madaxda dowlad goboleedyada ee lagu waday maanta inuu ka qabsoomo xerada ciidanka cirka ee Afisyooni ayaa dib loo dhigay.

Shirka ayaa dib loogu dhigay sabab la xiriirta madaxweynaha Galmudug oo safar degdeg ah ugu baxay Galmudug,waxaana madaxda la filayaa in ay shirka isugu laaban doonaan maalinta berri ah oo 7-da bisha ku beegan.

Madaxwaynaha JFS mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalintii sabtida ee la soo dhaafay Muqdisho ka furay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhamaystirka Arimaha Doorashooyinka, oo ay goob joog ka ahaayeen, Ra’iisul wasaaraha XFS ,Madaxda maamul gobolleedayda dalka iyo maaamulka gobolka Banadir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.