Sawiro:Wasiir Khadiijo iyo Safiirka Shiinaha oo kawadahadlay xaalada Abaaraha

khadiijo

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta xarunta Safaaradda shiinaha ee Magaalada Muqdisho kulan looga hadlayay Arrimaha gargaarka iyo xiriirika dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha kula qaadatay safiirka Dowladda shiinaha ufadhiya Soomaaliya.

“Maanta oo Talaado ah waxaan kulan kula qaatay xarunta Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho Safiirka Shiinaha u fadhiyo Soomaaliya Mr Qin Jian.

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale sheegay inay kala hadashay xaalada bini,aadanimo ee ka jira dalka gaara ahaan  abaaraha iyo sidii ay dowladda Shiinaha qeyb uga qaadan laheyd gurka loo fidinayo dadka ay saameeyeen.

“Kulanka waxaa diirada ku saarnay xiriirka labadda Dowladdood iyo arrimaha Gargaarka Bini’aadanimo, waxa dhankiisa xusay inay sii wadi doonaan dadaalka ku bixinayaan Soomaaliya ayay hadalkeeda ku daray wasiirka Khadiijo

Ugu dambeyn Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka xukumadda federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa  uga mahadceliyay dowladda Shiinaha ee u uku matalo safiirka Dhowrista madax-banaanida dhuleed iyo mida Siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay dhawaan Safaaradda shaacisay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.