Dawladaha Cadawga ku ah Soomaaliya iyo kooxda Burbur qaran maxaa mideeyey W/Q Jimacaale

kenya

Waxaa hubaal oo aan cidna ka qarsooneyn cadaw tinimada dawladaha ay ugu horeeyaan Kenya iyo Imaaraadku u hayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed,ma qarsadaan oo waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuushan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya waxyeeleynteeda, laba maamul iyo kooxda burbur qaran bay faraha kula jiraan oo ay gacanta ku dhigeen,markii ay ka heleen in ay u dhaganugul yihiin dhaqaale ay helaan in ay ka hormarinayaan sharafta iyo karaamada dhulka iyo dadka Soomaaliyeed bal ila eega arimahaan:-

1-Baddayada miyaan nala ku haysan, kan nagu haysta iyo Soomaaliga xiriirka la leh maxay noogu kala duwan yihiin?

2-Dawladaha diidan dhismaha Ciidaanka Xooga dalka soomaaliya iyo kuwa burburqaran ee ka soo horjeeda ciidan xoog leh ee dalku yeesho ma noo kala duwan yihiin?

3-Waa hubaal xoog xeelad iyo xoolo in dawlado u adeegsanayaan in aan dalka doorasho ka dhicin, kuwa mucaaradka sheeganaaya oo ah awooda ay isticmaalayan ee cakiray doorashada ma u sii dulqaadan karnaa?

4-Dawladaha cadawga nagu ah iyo Kooxda Burburqaran waxay ugu mideysan yihiin in aan Farmaajo xukunka Dalka Soomaaliya ku soo laaban, yaa dani ugu jirtaa in uu Meesha ka baxo Farmaajo, maxaase ku dhici doona qaranimada Soomaaliya?

5- Maxaa loola jeedaa haya’daha dawlada ee dastuuriga ah awooda ha laga qaado iyo madaxda ciidamada qalabka sida xilkaqaadis ha lagu sameeyo kadib markii lagu guuleystey in doorashadii dib u dhacdo oo la hor istaagay?

6-Isku soo wadaduub sow arintu maaha in Meesha aan gaarney naloo quuri la,yahay damacii laga lahaa dhulka iyo khayraadka Soomaalidana uu soo afjarmay?

Aqoonyahanadu hays weydiiyaan arimahaan,dhalinyradu maskaxda ha shiilaan,culumadu yey aamusin ee masaajida ha ka hadlaan,ururadada bulshadu ha baraarugaan,

Ha layska ilaaliyo qabyaalada oo ah wadiiqada naloo soo maro markasta oo dan nala ka leeyahey oo wadeena in la kala dhantaalo la rabo.

Codkayaga haddaan banaanka keeni oo aanaan muujin waa nala ku tuman,waa nala kala jarin ,waxaan ku denbayneynaa halkii uu maray dalweynihii la oran jirey Jeslofaakiya oo aan manta magacaas maabka adduunyada laga heleyn,aan maah maahdaan ku soo gabagabeeyo (HADHOOW BAY DHURANTAA OO MA DHEX JOOGIN DHAHDAA WAA DHARAARE DHACSO) Nin geel dhacay oo tolki ku faanaaya qoladii kalana u quusdhabaaya baa yiri,manta waxaan u soo qaatay annaga oo dhextaagan yaan dhaxalka caruuratayada lala wareegin,waxayna iigu muuqatay tiimka hadda shaqaynaaya iyo jiritaanka Magaca Soomaaliya in uu isku xiran yahay oo manta cida kaliya ee Buundada na dhaafin kartaa tahay Nabad iyo Nolol.

Wabilaahi Towfiiq,

JIMCAALE

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.