Ra’iisul Wasaare Rooble oo booqday Askartii ku dhaawacmay Awdheegle iyo Barire

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa booqasho ugu tegey ciidamadii naftood hurayaasha ahaa ee ku dhaawacmay dagaaladii Argagixiaada Nabadiidku ku soo qaadeen saldhigyadii ciidamadeenna ee Awdheegle iyo Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey naftood hurayaasha difaaca dalkooda u dhaawacmay in Allah caafiyo oo u booga dhayo.

Intii uu booqashada ku jirey Raisal Wasaare Rooble wuxu ku soo wareegay qaybaha kala duwan ee Isbitaalka Xoogga.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxu dhaawacyada u ballan qaaday in dowladdoodu hiil iyo hooba la garab taagnaan doonto illaa iyo inta ay ka soo bogsoonayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.