Deni iyo Axmed Madoobe oo Werar aysan filayn kala kulmay Madaxda maamul Goboleedyada

deni

Waxaa soo dhammaday  Shirkii hordhaca ahaa ee u socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada dalka waxaana maanta looga hadlay shirka qodobbo mahiim ah oo ku xeeran arrimaha la isku khilaafsan yahay ee doorashada sida ka qayb-galka iyo ajandaha Shirka guud ee doorashooyinka dalka, inkastoo aan wax horumar ah laga samayn dhammaan Qodobadii laga dooday.

Madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay shirka Madaxda soomaalida ka horsheegeen in laga hadlo arimo ay kamid yihiin Madaxda Dowlada iyo barlaamanka Waqtigooda dhamaadeen iyo in shirka laga qayb galiyo Midowga Musharaxiinta iyo Gudoomiyaha aqalka Sare cabdi xaashi.

Madaxwaynayaasha Hirshabelle, Galmudug iyo koonfurgalbeed ayaa waxay u jawaabeen Axmed madoobe Deni iyagoo sheegay inaan loo baahnayn inay shirka ka qayb galaayn midowga Musharaxiinta iyo Cabdi xaashi, arinta Madaxda Dowlada iyo Barlamaanka soomaaliya ka mid ma ahan heshiiskii Sebtembar iyo kii baydhabo.

Hadalkaas kasoo yeeray madaxda maamul goboleedyada ayaa Deni iyo axmed Madoobe ka xanaajiyey waa arinta keentay bari shirkii ahaa la baajiyo laysugana soo noqdo Maalinta Talaada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.