Ciidamada Kenya oo lala eegtay qarax qasaaro dhaliyey

Kenya

Ciidamada Milatariga dowladda Kenya ayaa qarax miino nooca dhulka lagu lagula eegtay Goobo ay Kormeerayeen oo ka tirsan gobolka Laamu.

Gaariga ay wateen Ciidanka dowlada Kenya ayaa waxaa uu qaraxu ku haleelay, xili ay socdaal ku marayeen xuduudka dhinaca Gobolka xeebta ee Lamu, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

hal askari ayaa la sheegay inuu ku geeriyooday qaraxaas, halka ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen Askar ka tirsan Ciidanka ee la socday gaariga, kuwaasi oo la geeyay Xarun Caafimaad oo Kenya leedahay.

Argagixisada Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada qaraxii ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu, iyagoona sheegay inay ku dileen Darawalkii gaariga waday, isla markaana ay jiraan dhaawacyo soo gaaray Askar Ciidan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.