Daawo:Ugaas Maxamed ayaa Wasiirka wasaarada Caafimaadka Galmudug ku wareejiyay Qalabka Coronaha

ugaas

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed ayaa Wasiirka wasaarada Caafimaadka Dowlad Gobaleedka Galmudug Cabdiwali Cabdulaahi jaamac ku wareejiyay qalabka Coronaha sida Machinada iyo BBE kaas oo ka yimid muxsiin ku nool Maraykankan oo usoo wakiishay ugaaska.

Xubno ka Tirsan labada golle ee Dowlad Gobaleedka Galmudug oo ay wehlinayaa dhaqanka deegaanka ayaa Goob-joog Goob-joog ahaa madasha Wasiirka Caafimaadku Qalabkaan ka yimid Maraykanka kula wareegaayay, Qalabkan oo baahiwayn loo Qabay ayaa yimid Magaalooyinka Caabudwaaq, Balanbal iyo Dhabad uu ka jiro dad uu soo ritay Cudarka Coronaha.

Ugaas Maxamed Ugaas Axmed, iyo wasiirka Caafimaadka Galmudug oo ay waheliyaan waxgaradka iyo Maamulka Caabudwaaq ayaa waxay sheegeen inay jiraan Baahi wayn oo loo qabo qalab intaan ka badan madaama uu kordhay dadka uu soo ridanayo Coronaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.