Boliiska Deegaanka Soomaalida ayaa amray in la xiro Cabdi Ciise

tusmo

War Qoraal ah oo kasoo baxay Booliiska Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in lasoo Xiro fanaan Cabdi Ciise oo Masawiro anshax xumo ah ka faafiyey Fanaanada soomaaliyeed ee Safiyo Tusmo, qoraalka ayaa u qornaa sidaan.

“”Booliska DDS waxa uu Bulshada Deegaanka ku Wargelinayaa in Ninkan Sawirkiisu Idiin Muuqdo oo lagu Magacaabo Cabdi Ciise oo Meelo Deegaanka ka baxsan iyo Dalkaba,

Muuqaalo Anshax Xumo ah ka Duubay Gabadh Soomaaliyeed, ayaa Waxaa loo malaynayaa In uu ku Dhuumanayo Diredhaba iyo Nawaaxigeeda

Hadaba Cidii Aragta Ninkan Eedaysanaha ee Sawirkiisu idiin Muuqdo,
Waxaa Si Naxariisle la idiinka Codsanayaa in aad Soo Sheegtaan oo Aad Nagala Soo Xidhiidhaan

Telephone:- 0257755771
Mobile:- 0915754050/ 0915752636

Hadaba Cidii ku Guuleysata Soo Sheegida Ninkaas ku kacay Falalka Anshaxa ka Baxsan Waxaan u sheegaynaa In la siin Doono Abaal Marin.

Sidoo kalana Waxaan Dadweynaha Uga Digaynaa In ay iska Ilaaliyaan Falalka Noocaas oo kale ah
Dhana uga Soo Wada Jeedsadaan Ladagaalanka Falalanka Dhanqakeena Lidka Ku ah

Ilaaliyaana Dhaqanka Suuban ee Bulshadeena lagu Yaqaan””

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.