Akhriso:Deni iyo Axmed Madoobe oo sharuudo ku xiray ka qayb shirka Afisyoone

deni

Magaalada Muqdisho ee caasumada soomaaliya waxaa Maalmihii dambe shir uga socday Madaxda Maamul Goboleedyada kaas oo looga hadlaayey arimaha Doorashada dalka iyo sidii looga qayb gali lahaa Shirka u dhaxeeya dowlada iyo Maamul goboleedyada.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa weli ku adkeysanaya in shirka uu noqdo mid loo dhan yahay oo ay ka soo qeyb galaan Xubnaha Xisbiga Badbaado Qaran oo ay ku midaysan yihiin Deni, Axmed Madoobe, Cabdi xaashi, Xasan Shiiq, Shariif Sheekh axmed, Xasan Cali khayre, Cabdiraxmaan cabdishakuur iyo kuwa kale.

Wararka ka imaanaya Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada kale ka biyo diideen dalabka ka yimid madaxwaynayaasha Puntland iyo Jubballand iyagoo sheegay saamilyada dalka inaysan ahayn Xisbiga badbaado Qaran balse ay jiraan Saamilay badan, Dowlada iyo Maamul goboleedyada ay mataalaan Bulshada Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.