Deni oo ku fashilmay wareejinta dekada Garacad

deni

Wararka ka imanaya magaala xeebeeedka Garacad ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi maanta laga soo celiyey diyaarad sidday wefti ka socday dalka Imaaraadka Carabta iyo Maamul Puntland.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dadka deegaanka oo is abaabuley ay qabsadeen Garoonka diyaaradaha isla markaasna diiddeen in ay degto diyaaradda sidday weftiga Imaaraadka oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland.

Ujeedka waftigaan imaaradka ayaa lagu sheegay sidii ay ula wareegi lahaayeen dadka Garacad marka Shaqada ka socoto dhamaato, waxaana Heshiiskaas horay u gaaray Madaxwaynaha Puntland Siciid cabdulaahi Deni iyo shirka Dp world ee laga lee yahay dalka Imaaradka taas badalkeedana waxaa Madaxwaynaha Puntland lasiinayaa Lacag aan la sheegin Cadadkeena.

Puntland ayaa horay ugu qasaartay wareejinta dekada Magaalada boosaaso taas aan waxba laga fulin heshiiskii hore loo gaaray ee ahaa in dadka Boosaaso la balaariyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.