Sawiro:Askari Goobtii Shabaab ka xoreeyey Sanad Kadib ku aroosay

askari

Xiddigle Maxamed Axmed Salaad (Carab yare), Taliyaha horinta koowaad, ururka 83-aad, Guutada 14 Oktoobar ee ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxa uu ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay howlgalkii 18-kii Maarso 2020 Argagixisada Al-shabaab looga xoreeyay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabelada Hoose.

Taliye Carab Yare, maalinkaa waxa uu ka mid noqday Halyeeyadii ku dhaawacmay Jiidda hore ee dagaalka, waxa uuna dhaawac kasoo garay Feeraha.

Sanad kaddib isla bishii la xoreeyay deegaanka dhul beereedka ah ee Jannaale waxa uu Taliye Carab Yare kula aqalgalay gacalisadiisa, isaga oo xiran Tuutaha ciidanka Xoogga dalka oo ka marag kacaya in uusan nasiino galeynin, balse weli heegan u yahay difaaca iyo xoreynta deegaannada weli cadowgu Shacabka ku dhibaateynayo.

Taliye Carab yare, oo ah nin dhallinyaro ah waxa uu tusaale wanaagsan u yahay sida Muwaadiniinka Soomaaliyeed, isaga oo gudanaya waajibka Qaran ee saaran, himiladiisa garka ah u hirgalinkaro. Markaata iyo marxalad welibana waajib ayaa naga saaran difaaca dalkeenna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.