Ciidamo Gadoodsan ayaa wasiirada puntland u diiday inay maraan wadada u dhaxaysa Garoowe iyo Gaalkacyo

puntland

Ciidamo ka tirsan Daraaawiishta Puntland oo ka gadoodsan mushahar la’aan, ayaa mudda todobaad ku dhow isbaaro u taal laamiga xiriiriya Garoowe iyo Gaalkacyo.

Cutubyo ka tirsan ciidanka gadoodsan, oo ka cabanaya xuquuq iyo mushahar ka maqan ayaa u diiday mas’uuliyiinta Puntland in ay isticmaalaan Laamiga dheer ee Garoowe iyo Gaalkacyo, gaar ahaanna nawaaxiga degaanka Xarfo ee Gobolka Mudug.

Saraakiisha Ciidanka gadoodsan ayaa sheegay in aysan halkaas ka tegi doonin inta laga siinayo xuquuqda ka maqan, islamarkaana aysan mas’uuliyiinta dowladda u ogolaan doonin isticmaalka Laamiga.

Sidoo kale, Saraakiishu waxay sheegeen in ay is hor-taag ku sameeyeen Wasiirk Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal oo doonayay in uu wadadaas isticmaalo, balse safarkiisa uga baaqday xirnaanta Laamiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.