Daawo:Guddiga Soomaaliya u xil saartay Dacwadda Badda oo u dhoofay magaalada Hague

mahdi

Maanta waxaa Muqdisho ka amba baxaya Guddiga Dowladda Federaalka Soomaaliya u xil saartay  dhageysiga  Dacwadda Arimaha Badda ee u dhaxeeysa Kenya Iyo Soomaaliya.

Waftiga oo uu hogaaminayo Ra’isul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa saaka ka amba bixi doona Garoonka Diyaaradaha ee Aden Cade ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku sii jeeda magaalada Hague ee dalka Netherlands.

Sidoo kale, Guddiga waxaa qeyb ka ah xeer ilaaliyaha Qaranka Sulaymaan Maxamed Maxamuud iyo xubno kale oo ku xeel arrimaha sharciga.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa  sheegay in Soomaaliya diyaar u tahay ka qeyb galka dhageysiga oo qaab fogaan arag ah lagu qaban doono.

Maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ICJ ayaa ku gacan seyrtay dalab uga yimid Kenya oo ay ku dooneysay in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda kala dhaxeysa Soomaaliya.

Maxkamadda ayaa dhageysiga dacwadda u muddeysay 15-ka bisha Maarso 2021, sida markii horaba qorsuhu ahaa.

1 Comment

  1. Waxaan idiin rajaynayaa oo aan inoo rajaynayaa guul guul guul, in aynu cadawgeena ka guulaysano waynuna kaguulaysanaynaa
    Bi idni Allaah. Cadawgeenu cagta hoosteeda. Aadbaanu idiinku kalsoonahay dhmaan rag culus baad tihiin πŸ’ͺπŸ’ͺπŸ’ͺπŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ‡ΈπŸ‡΄πŸ’™πŸ’™πŸ’™β€οΈβ€οΈβ€οΈπŸ’šπŸ’šπŸ’šπŸ’ͺπŸ’ͺπŸ’ͺπŸ™πŸ™πŸ™πŸ‘πŸ‘πŸ€²πŸ€²πŸ€²

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.