Guddiga Qaran ee xakameynta Covid19 oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho

coronavirus

Guddiga Qaran ee xakameynta laba-kacleynta Covid19 oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa markale ku celiyay muhiimada ay leeyahay in dhammaan dadka Soomaaliyeed la gaarsiiyo wacyigalinta covid-19 maadaama uu dalka si xowli ah ugu sii faafayo.

Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukumadda Federaalka Soomaaliya Fowsiyo Abiirkar Nuur ayaa ka warbixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee Covid-19 ee laga diiwaan geliyey guud ahaan dalka.

Wasiirka gargaarka iyo maareyntya Musiibooyinka Khaqiijo Maxamed Diiriye  ayaa sheegtay in 1 bilyan oo maaska af xirashada laga qeybin doono magaalada Muqdisho maadaama qiimahiisu oo kor u kacay.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha diinta dowlada Soomaaliya Wasiir Cumar Cali Rooble ayaa ku booriyay culimadda gaar ahaan masaajida in laga dhaqan geliyo tusaalooyinka caafimadka ee looga hortagayo covid-19.

Wasiirka Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe ayaa isna ku celiyay in la qaato fariimaha bahda caafimaadka si loo xakeeyo cudurkaan dhibaatada ba,an ku haya dalka.

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumaer Finish) ayaa isna sheegay in 15-ka bishaan kadib cidii aan qaadan talooyinka caafimadka lagu ganaaxi doono isla markaana ay tahay amar dowladeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.