Dowlada Soomaaliya oo ka warbixisay Tirada dadka ee u dhintay Covid19

Wasiir

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 304 xaalado cusub oo COVID-19 ah 48-kii saac ee la soo dhaafay, 8 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay 3 qof.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (147) Hirshabeelle (77) Somaliland (53), Jubbaland (15) Galmudug (2) iyo Koonfur Galbeed (5) qof, 185 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 119-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 6,991 waxaa bogsootay 3,787 Ruux. guud ahaan 231 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur waxay ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.