Qaramada Midoobay oo soo dhaweysay heshiiskii Dowlada iyo Musharaxiinta

james

Tan iyo markii xalay magaalada Muqdisho heshiis ku wada gaareen xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta madaxtinimada dalka ayaa waxaa isa soo taraya hambalyada iyo soo dhaweynta is afgaradkaas.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu soo dhaweeyay heshiiskaas.

“QM waxay si diiran u soo dhaweynaysaa heshiis ay wada gaareen Ra’isul wasaare Rooble, hogaamiyeyaasha Galmudug, Hirshabeele, Banaadir iyo Midowga Murashaxiinta madaxtinimada waa talaabo wanaagsan oo horey loo qaaday,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale, sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiskan danta u ah shacabka Muqdisho, waxayna dhinacyada ugu baaqeen in ay sii wadaan wada xaajoodka isla markaana qodobada harsan lagu xaliyo isu tanaasul iyo niyad wanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.