Midowga Yurub oo si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii ka dhacay Muqdisho

farmaajo

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga ayaa soo dhaweeyay heshiiska xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta ay ku wada gaareen xalay magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo la soo dhigay Twitter ayuu danjiraha ku sheegay in uu soo dhaweynayo is afgaradka, isagoo xusay in loo baahan yahay in wadahadalka la sii wado si loo gaaro heshiis kama dambeys ah.

“Waxaa amaanayaa sida mas’uuliyadda leh oo ay u tanaasuleen ra’isul wasaare Rooble iyo xubnaha Midowga Murashaxiinta madaxtinimada.  Heshiiska wuxuu dhisayaa rajo nabadeed, dhex dhaxaadnimo iyo abaabul doorasho oo loo dhan yahay,” ayuu yiri danjire Berlanga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.