Deni oo ku fashilmay colaadii uu kawaday Muqdisho ayaa soo dhaweeyey Heshiiskii dowlada iyo Musharaxiinta

deni

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid cabdulaahi Deni oo Dhaqaalo ku bixinaayey sidii dagaal iyo qax uga dhici lahaa Muqdisho ayaa Soo dhaweeyey Heshiikii Dowlada iyo Midowga Musharaxiinta ku dhexmaray Muqdisho kadib markii la fahmay dhibaatada uu maleegaayey Bulshada soomaaliyeed.

qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa sidaan u qornayd.

Maamulka Puntland waxay soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta xalay oo tariikhdu ahayd 25 Feb 2021, sidoo kalena waxay soo dhawaynaysaa in DFS ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

Maamulka Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.