Sawiro:Dowlada Soomaaliya ayaa dib u dhisaysaa wado Puntland horay u musuq maasuqday

rooble

Dowlada Soomaaliya iyo midowga yurub ayaa Heshiiska Dibu dhiska Wadada Garoowe & Gaalkacyo kala saxiixday waxaana soomaaliya u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan dhinaca Yurubna Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya  Mudane Nicolas Berlanga.

Heshiiskaan oo goob joog ka ahaa Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in barnaamijka lagu horumarinayo dhaqaalaha dalka, kaas oo ay ku baxayso lacag gaareysa 98.2 Milyan oo Euro.

Wafti kasocda Midowga Yurub oo soo dirtay Wasaarada Qorshaynta Soomaaliya ayaa waxay gaareen Puntland waxayna kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda qorshaynta horumarinta dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah ee Maamul goboleedka Puntland Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Waftigaan ka socda Midowga Yurub ayaa soo Booqday Goobo la geeyey Qalabka lagu dhisaayo wadadii Puntland horay u musuq maasuqday si ay ugu qancaan dhismaha Wadada.

Dowlada Soomaaliya gaar ahaan Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa waqti badan galiyey sidii Midowga Yurub loogu qancin lahaa inay dib u bilaabaan Dhaqaalaha lagu dhisaayo wadad isku xirta Gaalkacyo iyo Garoowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.