Daawo:Warar horu dhaca oo laga helaayo shirka Dowlada iyo qaar kamida Musharaxiinta

Rooble

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, kulan kula leh magaalada Muqdisho xubnaha Midowga Murashaxiinta waxayna ka wadahadlayaan arrimaha doorashooyinka.

Kulanka waxaa kale oo ka qeybgalay madaxweyniyaasha Galmudug, Hirshabeele iyo qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee labada aqal.

Warar horu dhaca ayaa sheegaya in la gaaray heshiis dhow qodob ah.

  • In guddi loo saaro wixii dhiba ee ka dhacay 19 February lana aqoonsado kuwa amarkaas bixiyay.
  • Banaanbaxa Jimcaha berito in la baajiyo xaalado amni iyo caabuqa Covid-19.
  • In banaabaxyadda la qabto xili kale oo leysla ogyahay iyadoo laga fogaanayo adeegsiga ciidamadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.