Sawiro:Maamulka Gobolka Banaadir ayaa agab caafimaad ku wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka

cumarfilish

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta ku wareejiyay agab Caafimaad Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowziya Abiikar Nuur, si wax loogu qabto dadka la xanuunsanaya Caabuqa COVID-19 ee ku jira isbataalka Martiini.

Agabkan oo isugu jira qeybaha kala duwan ee lagula tacaalo Cudurka COVID-19 ayaa waxaa ka mahadcelisay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr Fowziya Abiikar Nuur, iyadoo aad u soo dhoweysay tallaabadan ay qaadeen maamulka Gobolka Banaadir ee ah agabka caafimaad ee Wasaaradda la soo gaarsiiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.