Taliyaha ciidanka Dhulka Soomaaliya ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka ee duleedka Balad Xaawo

dhoore

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Maxamed Tahliil Biixi oo kormeer ku sameeyey fariisimaha ciidanka xoogga ee duleedka degmada Beled Xaawo ayaa mar kale dowladda Kenya ku eedeeyey in ay colaad ka hurineyso gobolka Gedo.

Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa nasiib-daro ku tilmaamay ciidankii Jabhadda ahaa ee soo weeraray Balad Xaawo oo wali ku jira deegaanada gudaha Kenya gaar ahaan magaalada Mandheera, wuxuuna dhinaca kale sheegay in ay nasiib daro tahay warbixintii Guddiga xaqiiqa raadinta IGAD ee lagu sheegay in ay Soomaaliya gardaran tahay.

“Waxaa ayaan-daro ah maanta waxaa cad oo meeshan ka muuqda, oo ciidankii halkaa ka soo gudbay oo hadda Ciidanka Jabhadda Kenya uu ku dhex jiro in Dowladda Jabuuti ama ismaaciil Cumar Geelle uu yiraahdo ee ma taqaanaa Soomaaliya gardaran waa Ayaan daro,” ayuu yiri taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga dalka.

Sidoo kale, Generaal Biixi ayaa sheegay natiijada warbixinta Guddiga IGAD aysan raali ka aheyn Shacabka Walaalaha Jabuuti, balse ay qaas u tahay siyaasadda madaxweyne Cismaaciil Cumar Geelle.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aaminsaneyn warbixinta guddiga, ayna tahay mid u janjeerta dhanka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.