Sawiro:Beesha Mareexaan oo Kulan Muqdisho ku yeeshay ayaa laga soo saaray Go’aamo Mahiim ah

ugaas

Ugaas Maxamed ugaas axmed ugaas beelaha sade oo ku Sugan magaalada Muqdisho ayaa Kulan la yeeshay Siyaasiyiinta iyo Masuuliyiinta beelaha Sade ku Matalo Dowlada dhexe iyo Galmudug ee ku Sugan muqdisho oo u badan xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo magac ku leh deegaanka.

cabdishire

Kulanka oo ay ka Soo Qayb Galeen Wasiiro katirsan dowlada iyo Maamul goboleedka Galmudug, Xildhibaanda labada Aqal ee Soomaaliya, Xildhibaanada galmudug waxaa kaloo Qayb ka ahaa dhaqanka iyo Bahda dhalinyarada ee deegaanada Galmudug iyo Jubbaland ka soo jeedo.

Waxaana Kulanka looga Hadalay Qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin

1:- Amniga deegaanka oo muhiimiyada koowaad ee kulanka ahaa.

2:-Dib u heshiisiinta Beelaha Walaalaha ah ee deegaanka wada Dego ee wax kala Tirsanaayo.

3:-Soo Saarista Gudiyo ka Shaqeeyo kala Gurida (Saarida ) beelaha walaalaha ah ee Magaha (Diyada ) isku sheeganayo, aruurinta dhaqaalle ay Ku howl Galaan Gudiyadan. Dhawaan la soo Saari doono, Iyo Qodobo kale.

4:-Aruurinta dhaqaalle Looga Qayb Qaato kala ukala dab Qaadida Beelaha iyo amniga deegaanka oo masuuliyiinta ay Sameeyeen Balanqaadyo Lacageed.

Ugaaska iyo xubnaha kale ee uu la Kulmay kula dardaarmay Xil iska saarida amniga deegaanada ay Matalaan.

Waxaana Masuuliyiintii kulanka Ka Qayb Galay ugaaska Ku amaaneen Dadaalkiisa Hormarinta iyo ka Shaqaynta amniga deegaanka oo juhdi Badan uu Galiyay waxa ayna sheegeen xubnahan in uu muuqan Doono doorkooda amniga iyo Xasiloonida deegaanada waqooyiga Galgaduud.

Masuuliyiinta heer Federaal heer dowlad Gobaleed iyo ugaas maxamed ayaana Ku Balamay kulamo kale oo Xalka deegaanka Ka Qayb noqon karo.

marexaan
diini

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.