Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo gaaray Magaalada Kismaayo

Jamesswan

Madaxweyne kuxigeenka koobaad ee Maamulka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey James Swan oo ah Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee QM (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Hawlagalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa qaybta nasashada ee garoonka Kismaayo ku qaabilay Wafdiga uu hogaaminayo James Swan, iyadoona soo dhaweeynta kadib uu wafdiga aqalka Madaxtooyada Jubbaland uu kula kulmi doono Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.

James swan ayaa la kulmi doona Axmed Madoobe waxayna kawada hadli doonaan arimaha doorashada iyo tagitaanka shirka Dhuusamreeb ee ku dhawaaqay Madaxwayne Farmaajo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.