Dagaal ka dhacay Galmudug oo Sababay Dhimasho iyo Dhaawac

Xananbuure

Faahfaahino dheeriya ayaa Laga helayaa dagaal udhaxeeyo maleeshiyo beeleed maanta Ku Dagaalamay Gobolka Galgaduud kaas oo sababay qasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Xanan-Buuro ee Gobalka Galgaduud ayaa udhaxeeyo Maleeshiyaad ku abtirsado degmooyinka dhuusamareeb iyo Cadaado ayaa keenay qasaaro isugu Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaas.

Ilaa iyo lix Qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa la soo Sheegayaa in ay ku dhinteen dagaalkaas oo Duhurnimadii maanta Bilowday waxaana dhaawacyadii ka dhashay loo Qaaday magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Labadaan Maleeshiyo beeleed ayaa horay waxaa u dhexmaray dagaal kaas oo marar badan soo noqnoqday ilaa hadan lagama gaarin xal waara.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.