Horjoogayaal ka Tirsan Shabaab oo lagu dilay Gobolka Bakool

diyarad

Wasaarada amniga maamulka Koonfur galbeed ayaa xaqiijisay in saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ay xalay howlgal duqeyn ah ku dileen Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, taasi oo  ka dhacday deegaanka Mamoodow oo qiyaastii 40-Km dhanka waqooyi uga began degmada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool.

Duqeynta ayaa waxaa lagu qaarajiyay horjoogayaal ku hawlanaa sidii loo dhibaatayn lahaa hantida shacabka Soomaaliyeed, waxaana maleeshiyada la duqeeyay isku dayeen in ay wadadda u galaan gaadiid ganacsi iyo kuwo gargaar u siday degmada Xuddur.

sida la sheegay duqeynta ayaa qeyb ka aheed qorshaha Dowladda Federaalka, saaxiibada Soomaaliya iyo maamul Koonfur galbeed ay ku doonayaan sidii maleeshiyada Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan deegaanada maamulkaasi.

Horjoogayaal ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo ka firxaday howlgalka ay wadaan Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa saaxiibada caalamka ayaa si dhuumaaleysi ah ku jooga deegaano ka tirsan gobolka Bakool, kuwaas oo lagu raad joogo.

Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur galbeed oo ka jawaabaya baaqa shacabka gobolka Bakool ee ay  go’doomiyeen maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qaaday howlgal lagu baacsanayo kooxaha argagixisada si looga dul qaado dhibaatada shacabka ay ku hayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.