Maamulka Galmudug oo Xoriyadiisii dib u Siiyey Agaasimaha Soyaal TV Mahad Bashiir

mahadbashiir

Laamaha Amniga maamulka Galmudug ayaa Xoriyadiisi dib u siiyey Agaasimaha telefishinka afka Soomaaliga ku hadla ee Sooyaal TV Mahad Bashiir Xilif kaas oo saacado badan u xirnaa maamulka galmudug.

Agaasimaha Muuqaal baahiyaha Sooyaal TV Mahad Bashiir ayaa Saaka lagu xiray Saldhiga Booliiska Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, waxaana sii dayntiisa ka qayb wayn ka qaatay wariyaasha ka hawl gala Degmada Caabudwaaq.

Maamulka Galmudug ma shaacin Sababta loo xiray Agaasime Mahad Bashiir.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.