Jabuuti oo la Safatay Kenya iyo Dowlada Soomaaliya oo qaadacday go’aankii IGAD

ismaaciil

Guddigii Urur Goboleedka IGAD u xil-saaray Dacwadii dowladda Federaalka Soomaaliya ka gudbisay Kenya ayaa soo saaray Warbixin iyo baaritaano ay sameeyeen, kadib markii ay socdaalo ku kala tageen labada dal.

Guddiga oo booqday xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in aysan soo arkin wax caddeyaya sheegashada dowladda ee ku aadan in Kenya Jabhad ay hubeysay ay joogaan meel ku dhow xuduudka labada dal, si ay weerar u soo qaadan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Guddigii loo saaray Dacwada labada dal uu la saf-tay Kenya, isla markaana aysan si dhab ah u soo baarin arrintaas.

wasiir

Guddigii Urur Goboleedka IGAD u xil-saaray Dacwadii dowladda Federaalka Soomaaliya ka gudbisay Kenya ayaa soo saaray Warbixin iyo baaritaano ay sameeyeen, kadib markii ay socdaalo ku kala tageen labada dal.

Guddiga oo booqday xuduudka u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in aysan soo arkin wax caddeyaya sheegashada dowladda ee ku aadan in Kenya Jabhad ay hubeysay ay joogaan meel ku dhow xuduudka labada dal, si ay weerar u soo qaadan.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Guddigii loo saaray Dacwada labada dal uu la saf-tay Kenya, isla markaana aysan si dhab ah u soo baarin arrinta.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa la yaab ku tilmaamay Warbixinta ay soo saareen Guddiga IGAD u saartay Dacwada ay gudbisay Soomaaliya, isagoona ku eedeeyay Guddiga in ay dhex-dhexaad ka noqon labada dal oo Warbixin hal dhinac ah ay qaateen.

“Ma filayn in walaalkayagii yaraa uu naga hiilin doono, waxaan rajaynaynaa in ay Jabuuti ka noqon doonto arrintan, Jabbuuti waxa xoreeyey Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Dubbe oo Jabuuti ku eedeeyay inay la safatay Kenya.

Guddiga oo dorraad soo saaray warbixin ayaa sheegay in xuduuda aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso Jabhad, sidoo kalena kusoo xad-gudubtay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.