Madaxwaynaha Koonfurgalbeed oo dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo

Lafatagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta oo Arbaco ah dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee caasimada KMG Koonfur Galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis oo mudo todobaad ah Safar shaqo ugu maqnaa Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa ugu Hambalyeeyay Ciidanka Koonfur Galbeed guushii ay ka gaareen dagaalkii Kooxda Al-Shabaab kula galeen Deegaanka Seydheelow ee Gobolka Baay, Wuxuuna ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.